Dilal kadhacay Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa saakay waxaa ay laba ruux siyaabo kalle duwan ay ugu dileen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rag hubaysan ay subaxnimadii hore ay dileen macalin dugsi Quraan oo ku yaala degmadaasi, waxaana lagu dilay gurigiisa oo ay ugu galeen rag ku hubaysan bastoolado, dabadeedna baxsaday.

Sidoo kale waxaa ay kooxo hubaysan ay dileen nin ganacsade ah oo hilibka qali jiray, waxaana baxsaday kooxihii falalkan gaystay.

Maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku saabsan dilalkan dhacay, ayna baadi goobayaan kooxihii dilalka ka gaystay degmada.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com