Diiwaangelinta xisbiyada qaran ee dalka oo kasocota Muqdisho

Diiwaangelinta xisbiyada qaran ee dalka oo kasocota Muqdisho

Waxaa kasocda magaalada Muqdisho diiwaangelinta xisbiyada qaran ee dalka oo ka qaybgali doona doorashada 2020ka ee kusoo fool leh dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Maxamed Ismaaciil ayaa warbaahinta ugu sheegtay Muqdisho inay isa soo diiwaangeliyeen ilaa todobo urur siyaasadeed si’ay uga mid noqdaan xisbiyada dalka, waxaana ay sheegtay xisbiyada doonaya inay tartamaan in looga baahanyahay bixinta $500 oo ah qarashka diiwaangelinta iyo inay xafiisyo ku leeyihiin gobolada kale duwan ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta ka gudbidda nidaamka qabiilka ee wax ku qaybsiga, iyadoona xildhibaanada la filayo inay kusoo galaan nidaamka xisbiyada badan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com