Diiwaan gelinta musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka oo maanta ku eg

Diiwaan gelinta musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka oo maanta ku eg

Waxaa magaalada Muqdisho kasocda diiwaan gelinta musharixiinta u tartamaya doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya, kadib markii uu horay isku casilay guddoomiyihii hore oo mowshin ay ka keeneen golaha baarlamaanka.

Musharixiinta ayaa shalay bilaabay ina isa soo diiwaan geliyaan, iyadoona shahaadooyinka musharaxnimo la guddoonsiiyay shan musharax oo kala ah.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa horay loo iclaamiyay inay dhacayso 30ka bishaan, waxaana jira wasiiro doonaya inay isa soo sharaxaan, kuwaasi oo laga dalbay inay iska casilaan xilalka ay hayaan kahor intaanay u tartamin.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com