Dibadbaxyo ka socda magaalada Paris ee Faransiiska iyo booliska oo awood adeegsaday

Dibadbaxyo ka socda magaalada Paris ee Faransiiska iyo booliska oo awood adeegsaday

Ciidamada ammaanka ee Faransiiska ayaa gaaska dadka ka ilmaysiiya iyo biyo xoog leh u adeegsaday dibadbaxyada kasocda magaalada Paris ee looga soo horjeedo qiimaha shidaalka iyo canshuurta ee sare u sii kacaya, waxaana lagu dalbanayaa inuu is casilo madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Kumanaan ka mid ah booliska ayaa loo adaad gureeyey wadanka oo dhan, waxaana dibadbaxyada ka qaybgalaya shan kun oo qof oo magaalada Paris oo kaliya ah iyo 23kun oo magaalooyinka dalka dhamaantiis ah, sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Faransiiska.

Laba qof ayaa geeriyooday inka badan 750 qofna waa ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan 136 boolis todobaadyo dibadbaxyo ah, waxaana tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Macron uu sameeyey isbadalo shuruucda shaqaalaha iyo sharciyo uu kusoo rogayo wasaqaynta hawada, taasi oo cirka gelisay shidaalka iyo naaftada dalkaasi la isticmaalo.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com