Dibadbaxyo ka dhan ah xarigga Cabdi Maxamuud oo ka dhacay Jigjiga (sawiro)

Dibadbaxyo ayaa kadhacay magaalada Jigjiga ee xarunta Soomaali Galbeed, kaasi oo ay dhigeen taageerayaasha madaxwaynaha xilka laga qaaday Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana dibadbaxyaashu ay dalbanayaan in lasii daayo.

Ciidamda ammaanka ayaa ilaalinaya ammaanka dibadbaxyaasha, iyadoona ay wataan dibadbaxyaashu waraaqo ay ku qoranyihiin hala siidaayo Cabdi Maxamuud.

Maxkamadda Addisababa ayaa shalay lasoo taagay Cabdi Maxamuud oo loo haysto inuu galay xad gudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha iyo inuu abuuray isku dhacyada qowmiyadaha Itoobiya ee Soomaalida iyo Oromada.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com