Dibadbax rabshado wata oo kadhacay magaalada Hargaysa qaybo ka mid ah

Hargaysa, May 17 – Dibadbaxyo rabshado wataa ayaa maanta kadhacay magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland, dibadda baxan ayaa looga soo horjeedaa xukun dil toogasho ah oo dad shacab ahi ay shalay maxkamadda Militariga Somaliland ku riday.

Dadka ka qaybqaadanayay dibadbaxa ayaa taayaro ku gubayay wadooyinka magaalada Hargaysa, waxaana ay xireen qayb ka mid ah wadooyinka gala xaafadaha ku yaalla bariga magaalada Hargaysa.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa ku guulaytay inay kala eryaan dibadbaxayaasha goor hore oo saaka ah, hasse ahaatee dadka ayaa mar kale bilaabay dibadbaxa.

Maxkamadda ciidamada militeriga Somaliland ayaa shalay 17-qof oo lagu soo eedeeyey inay weerareen xerro ciidan ayna ku dhinteen 7-qof ku xukuntay dil toogasho, halka 15-kalena lagu xakumay xabsi daa?im.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com