Site icon Radio Daljir

Dib-u-dhaca dunida Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida: Qaybtii 4aad (dhegayso)

Datoor Saadiq Enoow: “Ummadda Soomaaliyeed Ilaahey waa barakeeyey … waxa jahli ka dhigayaa waa hoggaanka. waxa ka dhigaaya dad arradan waa hoggaanka. Waxa ka dhigayaa dad baahan waa hoggaanka. Waxa foolxumeyna oo magac-dilaya waa hoggaanka.”

***

Qaybihii hore ee mawduuca “Dib-u-dhaca dunida Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida” waxa aan ku soo qaadaney wareysiyo qoraal iyo maqal isugu jira oo aan la yeelaney aqoonyahan Abukar Arman iyo Shiikh Cabdisalaan Shiikh Maxamed Yuusuf, waxa aana dulmarney su’aalaha, “sidee hormar loo hiigsadaa haddii wadaadkii Soomaaliga ahaa (kii gudaha wax ku bartay iyo kii Carabtaas liidata ee aad sheegteen ay wax soo barteyba) ay gabeen doorkoodii hagid ee bulsho?”

Asbuucaan waxaa aqoon-isweydaarsiga iyo wargelinta bulshada ku soo biirey aqoonyahan ahna siyaasi Datoor Saadiq Enoow. Datoor Enoow waxa uu kala saarayaa farqiga u dhexeeya Carab iyo Islaam oo Soomaalidu si iskugu qalado. Waxaa kale oo uu falaanqaynayaa dib-u-dhaca Islaanka oo uu ku sababeeyey in ummaddii ay “IQRA” ku soo degtay ay ka tageen, kana fogaadeen in ay wax bartaan, waxna akhriyaan.

Doorka Carabta ee Soomaaliya ayuu Datoorku ku tilmaamey mid dumin dadka iyo dalka Soomaaliyeed, ahna qorshe waqti badan socdey oo Carabi ay si ula kac ah oo qorsheysan ay Soomaali qoryo isugu dhiibtey, maantana ay isla siyaasaddaas duminta Soomaaliya sii xoojineyso iyo sidii Soomaali jilbaha dhulka loogu dhigi lahaa.

Culimada Soomaaliyeed ee dalalka Carabta diinta ku soo bartey badankooda ayuu datoorku yiri waa kuwo aad u dadaalaya, dalka hormarkiisana qayb weyn ka qaatey, laakiin waa kuwo ay ku yartahay aqoonta maadigu, takhasuska badankoodu ay Sacuudiga ku soo barteena waa naxwaha Carabiga iyo shareecada Islaanka, ayuu yiri Datoor Saadiq Enoow.

Dhanka dib-u-dhaca Soomaalida ayuu Datoorku ku macneeyey in dalka Soomaaliya uu yahay mid ilaahey barakeeyey, laakiin ay dhulka dhigatey siyaasad xumo siyaasiga Soomaaliyeed oo doorashadii ay u noqotay sida khamaarkii oo kale, oo ninkii doorashada ku guulaysta ay “siyaasaddu meel gurracan ka gasho, afar ciyaalsuuqa oo saaxiibadiis buu kaxaysanayaa, afartaas baa dhowrkaas sano kubbad ku ciyaaraya masaaliixdii ummadda.”

Hoos ka dhegayso oo kaga bogo.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5abcfcbf010100be02db804d/Enoow_dib-u-dhaca_Islaamka+iyo+Damiirka+xanuunsanaya+ee+Soomaalida_JFA_26+Mar+%2718.mp3?_=1

Waa taxane Radio Daljir oo dulucdiisu tahay: “Dib-u-dhaca dunida Islaanka iyo Damiirka Xanuunsanaya ee Soomaalida”

***

Haddii aad fikir ku darsaneyso ama aad su’aal xijineyso, fadlan nagala soo xiriir Shimbirta Daljir ama Wajibuugga Daljir ama email noogu soo dir: rdaljir@yahoo.com  

***

Dib-u-dhaca dunida Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida: Qaybtii 3aad (dhegayso)

Dib-u-dhaca Dunida Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida: Qaybtii 2aad (dhegayso)

Abukar Arman: Dib-u-dhaca Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida

Exit mobile version