Dib-u-dhaca dunida Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida: Qaybtii 3aad (dhegayso)

Dib-u-dhaca dunida Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida: Qaybtii 3aad (dhegayso)

Farriin hoggaanka Soomaaliyeed, Shiikh, Shariif, hoggaan siyaasadeed, mid hoose iyo mid sareba, heer degmo illaa heer Federaal: “Amaanada laguu dhiibtay si fiican ugaga soobax ilaalinteeda ama iska wareeji xilka!”

***

Qaybihii hore ee mawduuca “Dib-u-dhaca dunida Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida” waxa aan ku soo qaadaney wareysiyo qoraal iyo maqal ah oo aan la yeelaney aqoonyahan Abukar Arman, waxa aana dulmarney su’aasha ah, “sidee hormar loo hiigsadaa haddii wadaadkii Soomaaliga ahaa (kii gudaha wax ku bartay iyo kii Carabtaas liidata ee aad sheegtay ay wax soo barteyba) ay gabeen doorkoodii hagid ee bulsho?”

Asbuucaan waxaa aqoon-isweydaarsiga iyo wargelinta bulshada ku soo biirey Shiikh Cabdisalaan Shiikh Maxamed Yusuf oo kamid ah culimada gobolka Mudug.

Shiikh Cabdisalaan ayaa dhibka maanta ka taagan Soomaaliya waxa uu eedda qayb ka siisey culimada Soomaaliyeed, asaga oo yiri, “waa ku celinayaa, culimadu dhibka jira qayb bay ka tahay … oo markii ceelaayo heshiiso baa geelu cabbaa baa la yiri.”

Shiikh Cabdisalaan ayaa dulmarey taariikhda khilaafka Islaamka iyo firqooyinka is wada haysta, taas oo wiiqdey awooddii iyo miisaankii dunida Islaamka.

Dhanka Soomaaliya ayuu xusay in khilaafku uu nooga yimid waddamada Carabta, waana mid Carabtu ay dano siyaasadeed ka leedahay Soomaaliya, laakiin aan Soomaali dan u aheyn, asaga oo yiri, “waxa aan u gardaduubannahay siyaasadda Carabta.”

Gardaduubkaas iyo guuldarrada taabagelinta dowlad Soomaaliyeed oo hanaqaadda ayuu Shiikh Cabdisalaan waxa uu yiri waxaa abuuray madaxdii iyo siyaasiyiintii Soomaaliyeed oo si toos ah ugu adeegaya cadowgii Soomaaliyeed.

Hoos ka dhegayso

Waa taxane Radio Daljir oo dulucdiisu tahay: “Dib-u-dhaca dunida Islaanka iyo Damiirka Xanuunsanaya ee Soomaalida”

***

Haddii aad fikir ku darsaneyso ama aad su’aal xijineyso, fadlan nagala soo xiriir Shimbirta Daljir ama Wajibuugga Daljir ama email noogu soo dir: [email protected]  

***

Qaybihii hore ee aqoon-isweydaarsiga fadlan arag xiriiriyaasha hoose

Dib-u-dhaca Dunida Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida: Qaybtii 2aad (dhegayso)

Abukar Arman: Dib-u-dhaca Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida

Damiirka xanuunsanaya ee Muslimiinta: Waa in dib-loo-helo Islaanimo aan takoor lahayn

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • daljecel 6 years ago

    Dib u dhaca dunnida islaamka iyo damiirka xanuusanaya ee soomaalida
    waa aragti fiican balse waxaa kasii wanaagsanaan la hayd in qoraal ahaab loo diyaariyo intaa in ka badan
    Maxaa wacay maanta akhriskeenu wuu kobcayaa waxaana door roon qoraalka oo hadhacay
    si kastaba waad mahadsantihiin inta aad noo faa’ideetseen

  • Mo hajiin 6 years ago

    Mawduuca dib udhaca muslimka waa muhiim in dadaka lagu bararujiyo waana arin loo baahnaa si khilaafku u yaraado wakhti fiican ha lasiiyo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com