Dhuusamareeb oo lagu soo gabagabeeyay shirka Wasaaradaha Ganacsiga DFS, DG & Gobolka Banaadir

Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Galmudug lagu soo gabagaboobay, shir u dhaxeeyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Galmudug Cabdulqaadi Cabdullaahi Warsame, Jubbaland Cabdiwahaab Axmed Cusmaan, Koonfur Galbeed Cabdullaahi Cabdi Maxamed, Hirshabeelle Feysal Axmedweli Xasan iyo Agaasimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Cabdi Calasow.

Shirka oo socday muddo afar maalmood ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ay ka mid yihiin; Xoojinta, dardargelinta iyo wadashaqeynta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha DFS, Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay; Daadejinta iyo taabbo-gelinta Hannaanka Diiwaan-Gelinta Ganacsiga Soomaaliya (SBRS), dib u eegista iyo dhammeystirka sharciyada; Shirkadaha iyo Shatiyada iyo Mideynta dukumintiyada Ganacsiga iyo guud ahaan abla-ableynta qeybaha Ganacsiga.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay shirka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com