Dhuusa-Mareeb oo Deggan Iyo Goobihii waxbarashada oo Dib loo Furay

 
Bacaadweyn, 03-March, 2016 -(Daljir)_Xaalada magaalada Dhuusa Mareeb ayaa saaka ah mid degan, kadib dagaal culus oo habeen hore illaa shalay ka dhacayay magaalada, iyadoo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ay si buuxda gacanta ugu hayaan ammaanka magaalada.
 
Dadkii ka qaxay dagaalada ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb , waxaana saaka dib loo furay goobihii waxbarashada iyo ganacsiga oo shalay ku xirmay dagaalkii xooganaa ee ka dhacay Magaaladaasi.
 
Ciidamo fara badan oo ka tirsan Ahlusuna ayaa ku sugan gudaha iyo duleeyada magaalada, iyagoo adkeynaya ammaanka magaalada oo meelo ka agdhow ay ku suganyihiin dhinicii kale ee la dagaalamay.
 
Saraakiisha Ahlusuna ayaa ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan, ammaankana uu wanaagsan yahay, hase ahaatee waxaa jirta cabsi laga qabo in mar kale uu dagaal dhaco.
 
Ciidamada Ahlusuna ayaa shalay gacanta ku dhigay Liibaan Madaxweyne oo horay uga falaagoobay Ciidamada dowladda, kuna biiray Ahlusuna, balse maalmihii u dambeeyay uu u dhaxeeyay muran ku aadan inuu soo wareejiyo hubkiisa.
 
Maamulka Ahlu Suna Wal Jamaaca ayaa dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada ku eedeeyey in laga soo abaabulay Magaalada Cadaado ayna ka danbeeyaan Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federalka Soomaaliya.
 
Dhinaca kale Maamulka Galmudug ayaa iska fogeeyay eedeynta loogu soo jeediyay inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii shalay, waxaana Wasiirka Warfaafinta Galmudug uu ku tilmaamay eedeymahaas kuwo been abuur ah.
 
Ahlusuna ayaa gacanta ku heysa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, halkaasoo sanadkii hore ay kala wareegeen ciidamada dowladda, waxaana ay qaadacday Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com