Dhuubane: Maxaa iska baddelay rajadii filasho ee shacabka Puntland ee doorashada ka hor, kuna aaddanayd Baarlamaanka dhallinyarada u badan ee Puntland? (dhegayso)

Dhuubane: Maxaa iska baddelay rajadii filasho ee shacabka Puntland ee doorashada ka hor, kuna aaddanayd Baarlamaanka dhallinyarada u badan ee Puntland? (dhegayso)

Baarlamaanka cusub ee Puntland ee hadda jira waa Baarlamaankii lahaa tirada isbaddel ee ugu badan tan iyo intii Puntland Baarlamaanno loo dhisayey, waxaana wajiyo cusub oo siyaasadeed ah, kana mid ah Baarlamaanka Puntland ee hadda jira 49 xubnood, halka 17 ay kamid tahay Baarlamaankii hore, ayna soo laabteen.

Tiro badan oo Baarlamaankaan Puntland kamid ah waa dhallinyaro aqoonyahanno oo ku cusub saaxadaha siyaasadda, soo bixidda Baarlamaankaan wajiyada cusub u badan, misna aqlabiyaddoodu dhallinyarada tahay waxay abuurtay rajo cusub iyo hiddidiilo la xiriirta isbaddelka ay ku yimaadeen in ay la yimaadaan, kana leexdaan waddooyin hore oo lagu hiifay Baarlamaanno ka horreeyey, rajo qabkaasi iyo filashadaasi waxay taallay deegaannada Puntland intii u dhaxaysay 1dii bishaan Janaayo oo ah maalinkii ay soo baxeen illaa 7dii bisha oo ahayd maalin ka hor doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenka.

Hase ahaatee rajadaasi xooggeedii waxay ceel ku dhacay markii la galay doorashadii madaxweynaha iyo kuxigeenka, xilligaasi oo ay soo baxeen eedo laaluush gurasho oo musharraxiinta, taasoo keentay in qaar kamid ah xildhibaannadu ay ka baxeen Puntland wajigabaxa ka dhashay wixii ay ku kaceen darteed, waxaase xasuus mudan in ay jiraan qaar kamid ah Baarlamaanka diiday in ay codkooda iibsadaan.

Haddaba maxaa iska baddelay hankii lagu qabay Baarlamaanka cusub? Maxaa se mustaqbalka laga filan karaa?

Su’aalahaasi iyo kuwo kaleba waxaannu waydiinnay Cabdirashiid Xaashi Dhuubane oo mar soo noqday guddoomiyaha gobolka Mudug.

Hoos kaga bogo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com