Dhul Gariir ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Iraan

Dhul Gariir ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Iraan

Ugu yaran shan qof ayaa ku geeriyootay. halka ay ku dhaawacmeen 120 qof, kadib dhul gariir ka dhacay dalka Iran maanta oo Jimce ah

Dhulka gariirka ayaa cabirkiisa lagu sheegay 5.9-magnitude, waxa uuna ka dhacay Waqooyi-Galbeed ee Iran

Dadka waxaa dhaawacay saxafyada sare ee guryaha, xarumaha caafimaadka ayaa la geeyey, si loola tacaallo caafimaadkooda, ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ku howlanaa samata bixinta dadka xili uu la hadlay Tv-ga dowladda

Sanadkii 2017, ayey ahayd markii dhul gariir xoogan oo cabirkiisu ahaa 7.3 uu ku dhuftay gobolka Kermanshah ee dalka Iran, dhul gariirkaasi oo ay ku dhinteen 600 qof .

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com