D/Hoose ee Bossaso oo qabatay shir lagu soo bandhigay warqada aqoonsiga.

Bossaso, Nov 02 – Duqa magaalada Bossaso C/risaaq Xareed Ismaaciil oo ka hadlay warqada aqoonsiga ayaa sheegay in ahmiyada laga leeyahay ay tahay adkaynta amniga, in la ogaado cadadka dadka ku nool Bossaso, iyo si dawladu ula socoto dhaqdhaqaaqa dadka.

Waxaa uu sheegay in ay jiri doonaan dhawr nooc oo warqad aqoonsi oo kala midab ah: a) Dadka u dhashay Bossaso, b) Dadka u soo dhaqo tagey Bossaso ee deganaanshaha haysta (IDPs).

Md. Xareed waxaa uu sheegay in qof kastaa ay tahay in uu la xiriiro dawlada hoose, uu xaraysto arji uu ku codsanayo warqad aqoonsi, muwaadin kastaana uu sitaa aqoonsigiisa mar kasta.

Md. Xareed waxaa kale oo uu sheegay in qofkii aan haysan warqad aqoonsi aanay u suurtali doonin in ay galaan goobaha dawlada iyo ganacsiga sida dekedda, madaarka iyo xafiisyada dawlada.

Guddoomiyaha gobolka Bari Muuse Geelle Yusuf oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay baahida loo qabo in dadweynaha Bossaso iyo kuwa Puntlandba ay qaataan warqad aqoonsi.

Waxaa uu sheegay in qofkii aan haysan warqad aqoonsi ay adkaan doonto in uu helo xuquuqda uu leeyahay.

Waxaa uu sheegay in 16-ka xaafadood ee ay ka kooban tahay Bossaso looga baahan yahay in ay qaataan warqad aqoonsi.

Warqad aqoonsi ee deeganaanshaha ayaa uu sheegay in ay u baahan doonaan dadka aan ku dhalan Bossaso, halka dadka ku dhashay Bossaso-na ay qaadan doonaan warqad aqoonsi oo midabakeedu yahay caddaan.

Md. Muuse Geelle waxaa uu sheegay in warqada aqoonsigu ay la mid yihiin kuwa bulshooyinka hore u maray ee caalamku ay qaataan, ayna ka mid tahay horumarka bulsheed.

Ciidanka amniga ee Bossaso ayaa soo dhaweeyey hirgelinta warqada aqoonsiga oo ay sheegeen in ay u sahli doonto baaritaanada iyo sugidda amniga ee ay sameeyaan ciidanka amnigu.

Qiimaha warqada aqoonsiga ayaa la sheegay in ay tahay 5 doolar (US).

Hirgalinta warqada aqoonsiga ayaa waxaa qandaraas ku qaatay shirkad ganacsi oo maxalli ah, si toos ahna ula shaqaysa dawlada hoose ee Bossaso.

Waxaa la sheegay in uu jiro qorshe kan la mid ah oo laga hirgalin doono magaalooyinka kale ee Puntland.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com