Dhismaha Dekedda Garacad oo dardar ku socda (dhegayso)

Dhismaha Dekedda Garacad oo dardar ku socda (dhegayso)

Waxaa si xawli ah u socda dhismaha dekedda deegaanka Garacad oo hoostaga degmada Jarriiban ee gobolka Mudug, taasoo maraysa wajiyadii ugu dambeeyey ee dhismaheeda.

Waxaana maalmo ka hor si rasmi ah u bilawday aasitaan badda, gaar ahaanna halka dekedda dhismaheedu uu ku fariisanayo oo lagu asaruurayo ciid iyo dhagxaan loogu talagay durkinta biyaha iyo diyaarinta goobta dekedeed.

Dekeddan ayaa sida qorshaysan ku ebyoomaysa ama ku dhammaynaysa muddo 19 bilood ah oo ay haatan socoto aasitaanka biyaha badda, waxaana sidaas Radio Daljir u xaqiijiyey guddiga gacanta ku haya dhismaha dekaddaasi Garacad.

Waa dekeddii ugu horraysay oo deegaannada Puntland ah, lagana hirgelinayo magaalo ku taalla xeebaha bad-weynta Hidaya.

Dhinaca kalena waa markii koowaad oo laga yegleelayo Puntland deked ay ku soo xiran karaan maraakiibta waaweyn ee kunteendharrada xambaara.

Tallaabadaasi ayaa ah mid baahi weyn loo qabay, siiba ganacsatada oo badeecadaha ay ka keenaan waddamada dunida dib ugu fufura dalalka Cummaan iyo Iskutagga Imaaraadka Carabta, maadaama dekedda Bossaso aysan ka degi karin konteendharradu, kuna xiran karin maraakiinta waaweyn ee xamuulka ahi.

Maxamuud Qorane waa guddoomiye kuxigeenka guddiga dhismaha dekedda Garacad, wareysi gaar ah oo uu siiyey Radio Daljir ayuu uga hadlay arrimo badan oo la xiriira dhismaha dekedda, sida dhammaystirankeeda, dhaqaalaha uu abuuri karo hirgalkeedu, adeegyada ay sahli karto ee isku-socodka shixnadaha ganacsi ee adduunka, iyo arrimo kale.

Cabdifataax Cumar Geeddi oo wareystay guddoomiye kuxigeenka guddiga dhismaha dekedda Garacad ayaa ugu horrayn waydiiyey haatan iyo halka wax marayaan.

Dhegayso.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com