Dhimasho iyo dhaawac kadhashay gaari lagu rasaaseeyey Muqdisho

Dhimasho iyo dhaawac kadhashay gaari lagu rasaaseeyey Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa rasaas ku furay gaari ay la socdeen dad shacab ah degmada Dherkaynley ee gobolka Banaadir maanta, waxaana ku geeriyooday weerarkaasi sadex qof, laba ruux ayaana ku dhaawacmay.

Wararka ayaa sheegaya kooxaha weerarka gaystay inay wateen gaari nooca loo yaqaano NOAH oo ay ku hor gooyeen gaariga shacabka la rasaaseeyey ay la socdeen, waxaana dhacdadan ay kusoo beegantay maalin kadib markii shalay sidaan oo kalle gaari lagu horgeeyey gaari uu lahaa guddoomiye kuxigeenka degmada Dherkeenlay ee gobolka Banaadir, masuulkan ayaana la socon gaariga, waxaana ku geeriyooday laba qof oo shacab ah oo gaarigaasi la socday.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com