Site icon Radio Daljir

5 Dhimasho iyo Dhaawac aan la Hubin ayaa ka Dhashay Qaraxa Bossaso

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in 3-5 ruux ay ku dhinteen in kabadana ay ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamo gaadiid ku baarayey bartamaha magaalada.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari ayaa xaqiijiyey dhimashada askari kamid ah ciidanka oo baarayey gaadiidka, dad weynaha oo xilligaasi ku sugnaa barta kantaroolka ah.

Goordhow ayaa la filayaa in laamaha ammaanka iyo maamulka gobolku ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxaani ka dhacay goobta lagu baarayey gaadiidka ee kutaal Boosaaso.

Exit mobile version