Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Bandhig Faneed Ka Socdey Koonfurta Galkacyo

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Bandhig Faneed Ka Socdey Koonfurta Galkacyo

Ciidamo ilaalo u ahaa Fanaanada Soomaaliyeed Fartuun Birimo ayaa xalay dad Shacab ah dil iyo dhaawac ugu geystay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dhacdadan ayaa ka dambeysay markii dad shacab ah iyo Culuma’udiin ay isku dayeen inay ka hor joogsadaan Fartuun Birimo oo xalay bandhig faneed ku qabanaysay garoonka dayuuradaha Koonfurta Gaalkacyo taasoo keentay in ilaalo iyada la socotay ay rasaas furaan.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyaaday mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray rasaastaas kaasoo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Dadkii doonayey iney fanaanada ka horjoogsadaan bandhig faneedka ayaa ka kala cararay goobta ka dib rasaasta halkaas ka dhacday, waxaana gaaray ciidamo kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com