Dhibane imaan Cabdiraxmaan oo loo qaaday Cafimaad dibada ah (Sawiro)

Dhibane imaan Cabdiraxmaan oo loo qaaday Cafimaad dibada ah (Sawiro)

Waxaa maanta dalka dibadiisa loo qaaday Allaha Caafimaad siiye dhibane imaan Cabdiraxmaan Maxamed oo ah Gabar muddo ku xanuunsanyd Magaaladda Gaalkacyo,isla markaana Kansarka dhuuxa kudhaca oo haleelay ,iyado Mudooyinkii u dambeyaay Idaacada Daljir iyo dhalinyaro Somaliyeed u Aruurinayeen lacag lagu kabo Cafimaadkeeda.

Imaan Cabdiraxmaan dhibka iyo Xanuunka haya Waxaa ka damqaday dhalinyarada ku sugan Gobaladda Puntlabd,kuwaas oo shacabka Somaliyeed u waydiinayaay dhaqaale gabadhaas lagu badbaadasho Alle ayaa badbaadada haye,kasakow dadka somaliyeed ayaa ku dadaalay sidii ay u caawin lahayeen Gabadhaas dhalinyaradda ah oo ah 19 jir nolasha rajjo wanaagsan kale.

Imaan Ayaa loo qaaday Maanta Muqdisho ,iyado hal maalin lagu hayn doono Muqdisho kadibna loo qaadi doono dalka Turkiga halkaas oo la Rajaynayo inay ku caafimaado,waxaaana dhalinyaradda kujirtay caawinta imaan kadalbadeen Madaxda Dowladda Somaaliya in imaan loo fududeeyo VISAHA dalka Turkiga.

Hoos kadaawo Sawiradda

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com