Dhegeyso:Qurba joogta Puntland dhaliishay booqashadi Raysal-wasaare Cumar ee Puntland

Arbaco, Luuliyo 22, 2015 (Daljir) —Gudoomiye ku xigeenka Jaalliyadda Puntland gobolka Ohio ee dalka Mareykanka Cabdulqaadir Yuusuf Salwe oo maanta la hadlay Idaacadda daljir ayaa si kulul u qaabka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u martay dhismaha maamulka Galmudug ee laga Asaasay qaarkamida gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.
 
Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya iyo madaxdeeda ayku tunteen Dastuurka dalka ee lagu heshiiyey kaasi oo uu sheegay inay qodobo ka badaleen, waxaama ii arrintaasi ku tilmaamay mid wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya, iyo in ummada Soomaaliyed ka baxdo bur-burkii dowladnimo ee ay mudada dheer ku jirtay.
 
Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Jaalliyadda Puntland gobolka Ohio ee dalka Mareykanka waxaa uu dhaliilay booqashadi dhowaan Raysal-wasaaraha Soomaaliya ku yimid Puntland iyo qorshihii Raysal-wasaaruhu kusoo bandhigay shirkii maal-maha kooban ka socday Garoowe ee dhexmaray dowladda Federaalka Puntland iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo aha in Puntland aqoonsato maamulka khilaafku ka dhashay ee lagu dhisay magaalada Cadaado islamakana la sheegay in xuduudisu tahay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.
 
Cabdulqaadir waxaa uu taageeray go,aanki ay madaxda Puntland iyo Jubbaland ku diiden qorshayaashi uu watay Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid ee uu kusoo bandhigay shirka.
 
 
dhegeyso Waraysiga Gudoomiya ku xigeenka Jaalliyadda Ohio

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com