Dhegeyso:M/weyne Gaas oo ka warbixiyey safarki uu ku tagay dalka Kenya

Sabti, Luuliyo 25, 2015 (Daljir)—Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25-7-2015 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland, kadib markii uu safar shaqo ku tagey dalka Kenya.
 
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey , Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Waxgarad, Aqoonyahan , Haween , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe si habsami leh ugu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayey.
 
Soo dhaweyn kadib ayaa madaxweynaha waxaa loo soo gudbiyey aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe, waxaana uu warbaahinta qeybaheeda kala duwan uga warbixiyey natiijada ka soo baxday safarkii uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.
 
\’\’ Waan ku faraxsanahay inaan soo laabto , anigoo safar shaqo ku maqnaa safarkaasina runtii waxa uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday , waxaana kula soo kulanay madaxda dalka Kenya oo aanu kawada hadalnay xiriirka Kenya iyo Puntland iyo iskaashi dhanka nabad-gelyada iyo dhaqaalaha intaba ah \’\’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
 
Madaxweynaha ayaa sidookale sheegay in mudadii uu ku sugnaa dalka Kenya kulamo la soo qaatay madaxda beesha caalamka iyo madaxda hay\’ado caalami ah oo dalkaasi Kenya ku sugan, waxaana uu kala soo  hadlay shaqooyinka muhiimka ah ee ay kawadaan gudaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
 
Dhegeyso codka Madaxweyne Gaas

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com