(DHEGEYSO)-Xildhibaan hore Siciid Diiriye oo taageeray mowqifka dowladda Puntland ee go’aankii lagu qaatay 4.5.

Garoowe, 28, Jan, 2016-Siciid Diiriye Wuxuu Taageeray Go,aanka uu Qatay Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka qaadacay go,aanka ay dowladda federalka iyo Beesha Caalamku ay ka gaareen hanaanka doorasho ee dalka ka dhacaysa sanadka 2016.
 
Xildhibaan hore Siciid Diiriye ayaa nasiib daro ku tilmaamay in ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya uu taageero go,aanka ay qaadateen Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay inay garab istaagaan go,aanka ay qaateen Madaxda Puntland.
 
Haldalka Siciid Diiriye ayaa ku soo aadaya xili maanta Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo go,aanka dowladda federalka ee ah in doorashadu ay ku dhacdo habka wax qaybsiga qabiilka ee 4.5 laguna taageeyey go,aanka Madaxweynaha Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
 
DHEGEYSO CODKA

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com