Site icon Radio Daljir

DHEGEYSO-Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo u geeriyoodey dhaawac soo gaarey.

Nairobi, Mar 19 2017-War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya inuu geeriyoodey AUN xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo kamid ah barlamaanka Puntland.

AUN xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo ayaa u geeriyoodey dhaawac ka soo gaarey qarax gaarigiisa loogu xiray 8dii  bishaan March isagoo kusugnaa magaalada Galkacyo.

Gudoomiyihii hore ee barlamaanka ahna wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ka tacsiyeeyey geerida xildhibaanka.

https://daljir.com//resources3/files/Tacsida.mp3?_=1
Exit mobile version