Dhegeyso-Xildhibaan Cabdi Barre oo walaac ka muujiyey duqaymaha Kenya ay ka geysanayso gobolka Gedo

Boosaaso, 26, Janu, 2016 – Xildhibaan Cabdi Barre oo walaac ka muujiyey duqaymaha Kenya ay ka geysanayso gobolka Gedo, xilli ay isa soo tarayso qayladhaanta shacabka kunool gobolka Gedo.

Xildhibaan Cabdi Barre oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqay in ay latimaado xeelad ay kula dagaalanto Alshabaab, balse ay nasiib darro weyn tahay dad maata ah inay u geysato duqaymo cirka ah.

Mar lawaydiiyey sababta xukuumadda dowladda federalka ah ee Soomaaliya aysan arrintaani jawaab cad uga bixin ayuu wuxuu ku jawaabey, ” Waa qayru mas’uulnimo weyn oo ka muuqata madaxda dowladda federalka, iyadoo aan ognahay in Kenya ay kamid tahay howlgalka AMISOM, kamana muuqato madaxda inay yihiin kuwa awood u leh inay ka damqadaan dhibaatada shacabka lana xisaabtamaan dowladda Kenya”.

Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xilli barlamaanka federalka ah ee Soomaaliya ay kulan degdeg ah yeesheen, kana dalbadeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke inuu barlamaanka horyimaado kahor 30 bishaani.

Hoos kadhegeyso waraysigii oo dhamaystiran.

Diiwaanka wararka Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com