DHEGEYSO-Xiisado colaadeed oo ka aloosan xuduudka Gobolka Galgaduud iyo DDSI.

Balli-cad, Oct 16 2016–Wararka inaga soo Gaaraya Deegaanka Balicad oo katirsan Gobolka Galgaduud Juquraafi ahaana kamid ah Deegaanada Dhaca Xuduuda Gobolka uu la wadaago Dalka Ethopia ayaa waxay sheegayaan In halkaasi wali laga Dareemayo Xiisad Colaadeed.  

Maalmo ka hor Deegaanka waxaa ka dhacay Dagaal umuuqdo mid udhaxeeya Qabaa’il ha yeesheen ay qayb ka ahaayeen Askarta iyo Gaadiidka Galmudug, dagaalkaasi ayaa geystay Khasaare baaxad leh waxaana tan iyo Dagaalkaasi Deegaanka laga Dareemayaa Xiisad aad ukacsan oo umuuqata in xilli walbo la Filan karo Dagaal Hor leh.  

Dadka Deegaanka Ayaa Radio Daljir usheegay in Deegaanka Hareerihiisa ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo qabiil oo ka yimid Gelinsoor caawinaadna ka helaya Ciidanka Galmudug, waxaana Gudaha Deegaanka iyana isku hub uruursanaya Dadka shacabka. 

 Cabdul Samatar waxa uu ka mid yahay Dadka Deegaanka Balicad Wariyaheena Cumar Laki Man ayaa Taleefanka kula Xiriiray wuxuuna wax ka waydiiyay Xaaladda Deegaanka iyo Xiisadaha lasoo sheegayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com