DHEGEYSO-Wiil yar iyo hooyadiis oo biyo kula tageen gobolka Nugaal.

Garmaal, Dec 20 2016–Roobab isdaba joog ah oo ka da’ayey qaybo kamid ah gobolada dhanka Bariga iyo waqooyiga Puntland ayaa yeeshay saamayn isugu jirta khasaare nafeed iyo mid maal oo soo gaartey dad reer guuraa ah.

Deegaamo katirsan xeebaha gobolka Nugaal ayaa waxaa daadad soo rogmadey kula tageen dad iyo xoolo, waxaana kamid ah ahaa wiil yar oo 8 bilood jir ah iyo hooyadiis.

Jaamac Cusmaan Good, oo ah nin ladhashay aabaha wiilka yar ayaa Radio Daljir waxa uu uga waramay qaabka ay wax u dheceen iyo haddii reerkaasi hantiyi u badbaadey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com