DHEGEYSO-Taliska Booliska Puntland oo awaamiir culus soo saaray

Garoowe, Dec 19 2016-Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Taliska Ciidamada Booliska Puntland ee Garowe ayaa Mamnuucay isticmaalka Bacaha Madow ee Muraayadaha Baabuurta  lagu dhajiyo.



Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Erag ayaa sheegay in Bacaha madow ee lo isticmaalo Muraayadaha Gadiidka lo ogolyahay  Madaxweynaha Puntland,Ku Xigeenkisa, Gudoomiyaha Barlmaanka iyo labadiisa ku xigeen oo kaliya,wixii intaas ka so hara ay Ciidamada Boolisku amar u qabaan inay ka fiiqaan,Mar ka labaadna ay sharciga horgeeyan.



“Anigoo tixraacaya Digreeto 13-7-2014-kii ka so baxday Madaxweynaha Puntland waxaan Maanta si rasmi ah u mamnuucay Isticmaalka Bacaha madow ee Gaadiidka,waxaana sharcigu u ogalyahay inay isticmaalan Madaxda Sare iyo ku xigeenadooda oo kaliya,wixii intaas ka so hara istcmaalkoodu waa sharci daro waana in laga fiiqa”.



Sidoo kale, Jen.Erag ayaa ku tilmaamay sababta ay u mamnuucen isticmaalka bacaha madow in ay tahay iyadoo ay ku dhuuntaan danbilyaasha iyo kuwa dulmiga ka gaysta deegaanada Puntland,kuwaaso ula baxay bacaha madow Booliska iga qari,taaso Amni Puntland Khatar ku ah ayuu yiri Jen.Erag:-

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com