DHEGEYSO-Soomaaliland oo dhaqdhaaqyo iyo diiwaangeli ka bilowdaya dooxada Kacaya.

 Tuurkacaya, Aug 29 2016–Mamulka Soomaaliland ayaa dhaqdhaaqyo ciidan oo hordhac u ah sanaadiiqda diiwaangelinta codbixiyayaasha maamulkaasi ka bilaabay deegaamo katirsan gobolka Sool gaar ahaan xuduudka gobolka Nugaal.  
 
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa dhaqdhaaqyadaani ay kasocdeen deegaanka Kacaya oo qiyaastii 78 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Garoowe, haseyeeshee hoosyimaada deegaanka Xalin ee gobolka Sool.  
 
Axmed Hayba Diiriye, oo kamid ah dadka deegaanka ayaa waraysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu kusheegay in deegaanka ay yimaadeen ciidamo kasoo kicitimay dhanka degmada Taleex, haseyeeshee dadka deegaanku u sheegeen inaysan Isdiiwaangelin doonin.  
 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com