DHEGEYSO-Siyaasi Cabdidaahir M.Y Yey oo Si Kulul Uga Hadlay Xarriga Sharrici Darrada ah ee Daljir.

29 June 2016-Siyaasi Cabdi Daahir Maxamed Yuusuf (Yey),  oo ka mid ahaa siyaasiyiintii utartan madaxtinimada dowlada puntland ayaa  wax laga xumaado ku tilmaamay xariga sharci darada ah ee daljir ku xiran tahay mudada todobaadka ah.

Mudane Yey ayaa  sheegay in caburinta saxaafadu inay tahay calaamada lagu garto nadaam fashilmay, wuxuuna intaas ku daray in wax lala yaabo ay tahay in wasiir leh weriyayaasha ayaan laynaya hadana uu raali gelin doono.


Dhanka kalena waxa uu sheegay inaan arimaha haatan kasocda puntĺand aysan cidina aqbalayn siyaasi iyo shacabna ay kahadli doonaan laysuguna imaan doono talada dalka, wuxuuna ku baaqay xukuumada inay si deg deg ah ufurto idaacada daljir.

Siyaasiga waxaa isaga oo jooga Maraykanka khadka telefanka kula xiriiray waraysigaana layeeshay Weriye Jamaal Faarax Aadan oo Daljir Galkacyo jooga.

W/Q Abdirashid Bashir

Wacaal Daray ah

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com