DHEGEYSO-Saxaafadda Puntland oo maxkada u gudbinaya dacwad kadhan ah Wasiir Soocadde.

(July 11 2016)-Suxufiyiinta kahowlgala deegaamada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay maxkadda sare ee Puntland u gudbinayaan dacwad kadhan ah wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Xasan Soocadde.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP Faysal Khaliif Bare ayaa sheegay in maanta dacwad ka dhan ah Wasiir Soo Cadde ay u gudbin doonaan maxkamadda Puntland oo ku taala magaalada Garoowe.

Faysal Khaliif Barre ayaa sheegay in dacwadaani ay salka kuhayso hanjabaad dhowaan katimid wasiirka wasaaradda warfaafinta oo xilligii Daljir xirnayd laga duubay cod uu suxufiyiinta ugu hanjabayo, wuxuuna barlamaanka Puntland ugu baaqay inay codsi ay u gudbinayaan ka jawaabaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com