DHEGEYSO-Qoysas xoolihii ka dhammaadeen oo kusoo xeroodey Burtinle.

Burtinle, Dec 03 2016-Waxaa kasii daraya xaaladda abaarta kajirta meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya , gobolada Puntland oo ah meelaha ugu daran ee abaartu kajirto dad badan oo xoolihii kazoo dhamaadeen ayaa kasoo xaroonaya miyiga kuwaasi oo soo gelaya magaalooyinka.  

Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal deegaano hoostaga ayaa waxaa kajirta abaar daran , iyadoona qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ay bilaabeen inay soo xaroodaan , qaarkoodna maamulka ayay u yimaadeen siay uga codsadaan in xaaladdooda wax laga qabto. 

Guddoomiyaha degmada Burtinle Maxamed Maxamuud Tuurdibi oo la hadlay radio daljir ayaa sheegay maamulkooda inuu weli soo gaarin wax gurmad ah oo ka yimid dowladda iyo guddiga gurmadka abaaraha Puntland , waxaana dhanka kale uu ka waramay dadka kusoo xarooday degmada Burtinle .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com