DHEGEYSO-Puntland oo sikulul uga hadashay dagaalka Galkacyo kuna eedaysay madaxda Galmudug.

Galkacyo, Oct 20 2016–Wasiirka wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo goordhoweyd caawa shir  jaraa’id ku qabtay magaalada Galkacyo ayaa kahadlay dagaal maanta kadhacay magaalada.

Dr Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in dagaalkaasi ay sababtiisa lahaayeen maamulka Galmudug oo uu sheegay inaysan raali ka ahayn nabad ka kadhalata magaalada Galkacyo.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Puntland weerar lagu soo qaado marwalba ayna Puntland diyaar u tahay difaaca shacabkeeda, maamulka Galmugna uu wadahadalkii diidey.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com