DHEGEYSO-Mid kamid ah Isimada Puntland oo taageeray go’aanka gudiga X.khilaafaadka.

Garoowe, Dec 17 2016-Boqor Cabdullaahi Axmed Cali oo kamid ah isimada Puntland ayaa si weyn u taageeray go’aankii kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka ee lagu diiday doorashada labo kursi oo dhawaan lagu doortay magaalada Garowe, kuwaas oo lagu sheegay in la masuq maasuqay.

Boqor Cabdulalahi ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay go’aanka xalinta khilaafaadka. Boqrka ayaa ku andacoonaya in beeshii uu kasoo jeeday laga boobay kursigoodii oo loo gacan geliyay beel kale. wuxuu arrintaas ku eedeeyay madaxweynaha Puntland iyo guddiga doorashada heer Piuntland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com