DHEGEYSO-Maraakiib shisheeyo oo kusoodhowaadey xeebaha gobolka Nugaal.

Dangorayo, Sep 26 2016–Odayaasha iyo waxgaradka Bariga gobolka Nugaal ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaaladda nololeed ee dadka kunool deegaama xeebeedka gobolka Nugaal oo noloshoodu kutiirsanayd wax soo saarka badda xilli lagu jiro xagaa daba dheeraaday.

Qaar kamaid ah odayaasha oo la hadalay Radio Daljir ayaa  sheegay in kalluumaysatadii deegaanka loosheegay in baddu xirantahay, taasina ay sababtay in noloshii dadku ay qiilqiilgasho, iyada oo ay siidheertahay in maraakiib shisheeye durba soobuuxiyeen xeebaha gobolka Nugaal.

Cabdiraxmaan Ciise Nuur iyo Axmed Maxamuud Cabdikariin, oo kamid ah waxgaradka deegaamada hoosyimada Eyl iyo Dangorayo ayaa ugu baaqay dowladda Puntland inay arrinkaasi waxka qabato, maadaama dadkii deegaanku ay hadda barakac bilaabeen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com