DHEGEYSO-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay dad lagu gawracay G Bari.

Garoowe, Feb 02 2017-Madaxweyne Kuxigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka tacsiyeeyey dilka sadex qof oo la sheegay in kooxda Daacish ay madaxa ka jareen meel u dhow degmada Qandala ee gobolka Bari, waxaana uu intaas ku daray in dawladdu ay tallaabo adag ka qaadi doonto kuwii falkaas ka dambeeyey iyo waliba dadka dilalka qorshaysan ka wada magaalada Bossaso.

Eng. Camey oo xalay u warramay barnaamijka C+D ayaa dhanka kale ka hadlay faragalinta la sheegay in qaar ka mid ah dawladaha Somaliya dariska la ah ay ku hayaan doorashada lagu wado in horraanta bishan ay ka dhacdo Somaliya.

Axmed Sh. Maxamed Tallman oo Madaxweyne Ku xigeenka wareystay ayaa marka hore weydiiyey bal inuu sharraxo nuxurka shirar baryahan ay Garowe ku lahaayen Madaxda PL iyo Wafti ka socda QM.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com