DHEGEYSO-Madaxweyne Gaas iyo wakiilka qaramada Midoobey oo kulmay.

Garoowe, Oct 06 2016–Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalk madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya. 

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha dowladda Puntland ayaa kulanka kadib sheegay in uu Ergaygu u yimid in ay ka wada hadlaan arrimaha xasaasiga ah ee doorashooyina 2016-ka, wuxuuna cadeeyey in ay Puntland diyaar u tahay Isbedel ka dhaca Soomaaliya. 

Dhanka kalena wakiilka qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Ketaing oo hadlay wuxuu isna cadeeyey in ay walaac ka qabaan dibu dhac doorasho, isagoo sheegay in si taas looga hortagana ay Wakiilada caalamiga ah soo mareen badi dawlad gobaleedyada qaarna u harsan yihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com