DHEGEYSO-Laamaha ammaanka gobolka Mudug iyo ardayda oo wada shaqaynaya.

Galkacyo, Aug, 07 2016-Taliska qaybta booliska gobolka Mudug ee uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa bilaabay qorshe cusub oo ay ku wada shaqaynayaan ciidanka ammaanka iyo ardayda wax ka barata magaalada Galkacyo

Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame, taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah dugsiyada magaalada Galkacyo, wuxuuna ardayda kala hadlay sida ugu wanaagsan ee ay ciidanka booliska ula shaqayn lahaayeen.

Taliyaha oo waraysi gaar ah siinayey Idaacadda Daljir ayaa waxa uu kahadlay ujeedka kormeerkiisa waxaana waraystay Jamaal Faarax Aadan oo kusugan magaalada Galkacyo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com