DHEGEYSO-Khilaafkii kadhexeeyey maamulka iyo golaha deegaanka Burtinle oo la xaliyey.

Garoowe, Oct 23 2016–Kadib kulan Qaatay Mudo laba Maalmood ah ayaa Waxaa lagu xaliyay khilaafkii udhaxeeyay Maalmahan Golaha deegaanka ee Dagmada Burtinle ee G/nugaal iyo Maamulka Dagmada.

Hadaba Maalmahan waxaa Dagmada Burtinle kusugnaa GudI uu magacaabay Madaxweynaha dowlada puntland  D.r C/wali Cali gaas  kaasoo ku guulaytay Xalita Khilaafii udhaxeeyay Maalmahanba Maamulka Dagmada Burtinle iyo sidookale Golaha deegaanka ee Dagmada Burtinle,

Gudigan ayaa Waxaa kamid ahaa. Wasiir dowlada Wasaarada arimaha Gudaha Taliyaha ciidanka Booliska Puntland  Gudoomiyaha Gudiga arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee  gudiyada Baarlamaanka Xildhibaan C/Casiis Gacamey iyo  Gudoomiyaha G/bolka Nugaal .iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha .

Hadaba Markii uu kulankaasi soodhamaaday Waxaa Radio Daljir lahadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha . Mudane C/casiis cilmi koor Waxa uu uwaramay Wariye Xasan Heykal oo kusugan Daljir Bosaaso ugu Horeena waxa uu waydiiyay Nuxurkii kasoobaxay Xalinta khilaafkii udhaxeeyay Maamulka Dagmada iyo Golaha deegaanka ee Dagmada Burtinle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com