DHEGEYSO-Faahfaahin ku saabsan qarax caawa kadhacay Muqdisho.

Muqdisho, Nov 05 2016–Ugu yaraan 3 Ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Weerar Ismiidaamin ahaa oo Caawa lagu beegsaday Ciidamada amaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labo ka mid ah Dadkaasi ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen Ciidamada amaanka, kuwaasi oo Qaraxa lagu bartilmaameedsaday.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Caawa ka dhacay Caasimada Soomaaliya, iyagoona sheegay inay kudileen 17 askari.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com