DHEGEYSO-Dowladda Puntland oo xayidhay deegaamo katirsan gobolka Sanaag.

Boosaaso, July 25 2016–Odayaal kasoo jeeda deegaano katirsan gobolka Sanaag Bari ee u dhow magaalada Bossaso ayaa ka cabanaya dowladda Puntland inay xanibaad kusoo rogtay raashiinkii la geyn jiray deegaano katirsan gobolkaasi.  

Waxaa ay sheegeen raashinka inuu gaabis yahay , arintan oo ay sheegeen inay keeni karto macluul iyo nafaqo darro , odayaasha oo maanta la hadlay radio Daljir xaruntiisa Bossaso ayaa cabashadooda sidaan u dhigay.   

Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin arintan , balse marka ugu horaysa oo aan helno ayaan idiin soo gudbin doonaa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com