DHEGEYSO-Doorashada Soomaaliya oo markale dib udhacday.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban, Mudane Cumar Cabdulle Dhageey oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in mudo bil ah dib loo dhigay doorashooyinka dalka.

Mudane Cumar Cabdulle Dhageey ayaa sheegay in doorashada madaxtinimo ee dalka la qaban doono Sodonka Bisha November halka doorashada labada aqal iyana la qaban doono isla bishaas gudaheeda.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dib udhaca doorashada ay sabab u aheed arimo la xiriira dhaqaalaha doorashooyinka dalka oo aanan wali la helin iyo arimo kale oo aad u farabadan Doorashooyinka ayaa mar kale cumar dhageey waxa uu sheegay in waqtiyadan soo socda ay kula dhigi doonaan Cod Lama qiyaasi karo in mar kale wax is badalaan sida hada dhacday oo kale waxaana gudiga doorashooyinka laga sugayaa markale waxyaabaha ay la imaan doonaan mudada ay qabsadeen markale Ismaaciil axamed maxamed ismaaciil turki radio daljir magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com