DHEGEYSO-Doorashada aqalka hoose ee Jubbaland oo dhammaad ah iyo doorka haweenka.

Kismaayo, Nov 2016-Waxaa meel gaba-gabo ah maraya doorashada dadban ee loogu tartamayo aqalka hoose ee parlamaanka somaliya taasoo ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Doorashadaan ayaa lagusoo dooranayaa ilaa 43 xildhibaan oo qabaa’ilada dega jubbaland umatalaya barlamaanka cusub ee ay Soomaaliya yeelanayso dhammaadka sanadkaan 2016.

Ergooyinka beelaha ayaa ilaa hadda waxa ay doorteen kudhowaad 30 mudane oo ay kujiraan dumar kuwaasoo ay soo dooranayeen ergooyin 51 gaaraya oo lagasoo xulay qabiilada kala jubbaland.

Hadaba maxay doorashadan ay  kaga duwantahay doorashooyinkii hore su’aashaas iyo kuwa kale waxaan weydiinay maryan taqal xuseen oo kamid ah dadka korjoogtada ee doorshada goobjooga ka ah. 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com