DHEGEYSO-Dhalinyaro tababar loogu soo xiray magaalada Badhan.

Badhan, Mar 16 2017-Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland ayaa magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ku soo gabagabaysay tababar lagu wacyigelinayey dhalinyarada Puntland.

Tababarkaan oo lagu soo qabtay qaybo badan oo kamid ah gobolada Puntland ayaa waxaa lagu baranayey wacygelinta dhalinta iyo sidii ay fursadaha wadanka uga faa’iidaysan lahaayeen.

Agaasimaha waaxda dhalinyarada Deeqo Jaamac oo kusugnayd madasha lagu soo xirayey tababarkaani ayaa dhalinyaradii ka faa’iidaysatay tababarkaani kun boorisey inay gaarsiiyaan dhalinyarada kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0