DHEGEYSO-Ciidamo katirsan kuwa badda Puntland oo ku baxay deegaamo dhowr ah.

Garoowe, Mar 27 2017-Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in cutubyo katirsan ciidankeeda ay u dirtay xeebaha gobolada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug kadib markii laga dareemay dhaqdhaqaaqyo xiriir laleh falal burcad badeednimo.Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Jaamac Quraan Jecel oo lahadlay Daljir ayaa sheegay in ciidanku hayaan xogo kala duwan islamarkaana ay ka howlgeli doonaan guud ahaan xeebaha Puntland si ay ammaanka biyaha u adkeeyaan.Quraan Jecel ayaa ugu baaqay shacabka kunool Puntland gaar ahaan deegaamada xeebaha ah inay ciidanka kusoo wargeliyaan wixii dhaqdhaqaaq burcad badeednimo ama Alshabaab ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com