(DHEGEYSO)-Beeraleeyda Puntland oo qurba-joogta ugu baaqay inay dalka Maalgashadaan.

Cismaan Xasan Cabdiraxmaan,Cabduwali Axmed Aadan iyo qareen Cabdicasiis Ismaaciil Garaad oo la hadlay Radio Daljir ayaa ayaa sheegay inay horumar balaaran ka gaareen wax soo saarka beeraha Puntland iyagoo kaashanaya Wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland.

Beeralaydaan ayaa sheegay in dhulka Puntland uu yahay dhul hodan ah oo cidii maal gashada ay waxbadan kala soo bixikaraan waxaana ay u soo jeediyeen qurbe joogta Puntland inay ku soo laabtaan dalkooda oo la soo baxaan khayraadka alle uu ku manaystay islamarkaana ay caawiyaan beeralayda Puntland.

Puntland waxaa ay kamid tahay meelaha ugu wax soo saarka badan dhanka beeraha waxaana dhawaan shir ka dhacay magaalada muqdisho oo looga hadlayey beeraha Soomaaliya lagu qiray inay puntland horumar ka gaartay dhanka wax soo saarka beeraha iyo isku xirnaanta iskaashatooyinka beeralayda Puntland.

Diiwaanka Wararka Daljir 

DHEGEYSO CODAD

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com