DHEGEYSO-Barlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeelle oo ladhaarinayo.

Jowhar, Oct 09 2016–Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan uuna qeyb ka yahay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Mudane Maxamed iidle Suleymaan ayaa saacadaha soo socda lagu waadaa in ay gaaraan magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle.  

Mas’uuliyiinta ayaa ka qeyb gali doona dhaarinta Xildhibaanada Cusub ee Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle oo maanta ka dhici doonta Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas.  

Amaanka Magaalada Caasimada Maamulka Hir-shaballe  ee Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya iyo Amisom ayaa lagu arkayaa hareeraha Xarunta Shirka uu ka socdo.  

Hadaba Arimahaasi waxaa Radio Daljir uga waramay Nabadoon Maxamed Yacquub Isxaaq oo ka mid ah Ergada kusugan Jowhar wuxuuna uwaramay Cumar Laki Man oo kusugan Daljir Caabudwaaq.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com