DHEGEYSO-Abaarta kajirta Jirriiban oo sababtay in dadkii xoolaha kasoo xeroodaan.

Jirriiban, Oct 02 2016–Degmada Jirriiban ee gobolka Mudug iyo deegaamada hoosyimaada ayaa waxaa laga soosheegayaa abaaro baahsan oo saameeyey dadka iyo duunyada intaba.
 
Gudoomiyaha degmada Jirriiban Maxamed Yuusuf Shirwac, oo lahadlay Radio Daljir ayaa sheegay in ceelashii biyaha ee deegaamadaasi ay gabaabsi kudhowyihiin, halka xoolihiina ay bilaabeen inay dhintaan.
 
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda Puntland, Hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada inay gurmad soo gaarsiiyaan deegaamadaasi, wuxuuna u waramay Cabdirashiid Bashiir Maxamuud oo Garoowe jooga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com