Muqdisho, Feb 05 2017-Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo khudbad jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama horey khudbadahooda loo soo dhageystay 15 Musharax, waxaana khudbayn doona 8 musharax.
Musharax kasta oo khubadiisa jeedinaya ayaa waxa uu xaq u heli doonaa 30-daqiiqo, si la mid ah Musharaxiintii horey u jeedisay khudbadaha.
Khudbadaha Musharaxiinta ayaa waxa ay si toos ah u bilaaban doontaa 09:30 subaxnimo, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
MAGACYADA:
1.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
3.Maxamed Axmed Jabarti
4.Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)
5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
7.Maxamed Cabdirisaaq
8. Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil