Dhegeysiga khudbadaha musharixiinta oo ka socota magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Feb 04 2017-Xarunta golaha shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilaabatay dhegaysiga khudbadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee dhowaan lafilayo in doorashadiisu qabsoonto.

Xarunta Golaha shacabka waxaa ku sugan 7 Musharax ee maanta loo qorsheeyay in ay jeediyaan khudbadaha, maadaama uu is casilay Eng Cabdullaahi Cali Xasan, iyadoo Musharax walba uu khudbadiisa ku jeedinaya waqti ku siman 30-daqiiqo.

Musharaxiinta khudbadaha jeedinaya ayaa waxa ay kala yihiin:-

Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

Cabdillaahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)

Cabdilaahi Ciilmooge Xirsi

Cabdiqaadir Cosoble Cali

Cali Xaaji Warsame.

Daljir.com


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com