Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ka qaybgalaya shirka G20 ee Argantin

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ka qaybgalaya shirka G20 ee Argantin

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa kasoo dhoofay wadanka Tunisa isagoo kusii jeeda wadanka Argentiin, si’uu uga qaybgalo shirka labaatanka dal ee ku hormaray warshadaha ee G20 oo furmaya dhammaadka bisha.

Maxamed Bin Salmaan MBS ayaa la rumaysanyahay inuu lahaa amarka lagu dilay Jamaal Kashoggi oo lagu dhexdilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istambuul.

Indhaha caalamka ayaa eegaya , iyadoo horay Turkiga uu u sheegay inuu hayo cadaymo muuqaal ah oo muujinaya in lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda Istambuul.

Maxamed Bin Salmaan ayaa kala kulmay wadanka Tunisa dibadbaxyo looga soo horjeedo oo loogu sheegaya inaan wax soo dhowayn ah uusan la kulmayn.

La Taliyaha Ammaanka Qaranka ee Mareykanka John Bolton ayaa sheegay inaanu jirin wax kulan ah oo madaxwayne Trump uu qorshaynayo inuu kula yeesho magaalada shirka G20 maalgelin doonta ee Buenos Aires Argentine.

Xoghayaha dhanka warbaahinta ee Mareykanka gabdha Sarah Sanders ayaa sheegtay in qorshaha Trump ku jirin inay wada kulmaan MBS, balse waxaa ay meesha ka saarin inay dhici karto is dhexgal mudada shirka uu socdo.

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com