Dhaqdhaqaaqyo kadhan ah socdaalka RW Cumar ee Cadaado iyo Garoowe oo Galkacyo kadhacay.

Galkacyo, Oct 15 2016–War hadda naga soo gaarey magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaafadaha magaaladaasi ay kasocdaan dibad baxyo kadhan ah socdaalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Cadaado iyo Puntland.

Banaanbaxyada waxaa ka qaybgelaya qaar kamid ah shacabka dhinacyada Koonfureed iyo waqooyi ee Galkacyo, kuwaasi oo sheegaya in ra’iisul wasaaraha dhexdhexaadintiisa aysan ku qanacsanayn.

Waxaa dibadbaxyadu ku soo aadayaan xilli ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cuamr Cabdirashiid oo shalay gaarey Cadaado uu sheegay inuu doonayo in xal laga gaaro dagaalka Galkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com